Sawirro: Ciidanka DFS oo gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud

05 Feb  2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

About The Author