Ciidamadii lagu soo tababbaray Eriteriya oo la wareegay afaafkiisa hore Garoonka Bosaso

07 Feb  2024 (Puntlandes.com) Ciidamada Soomaaliyeed ee lagu soo tababbaray dalka Eriteriya, qayb ka mid ah oo muddooyinkii danbe ay dejisay xukuumadda Siciid Deni xero u dhow Garoonka Diyaaradaha ayaa maanta xirey jidka gala garoonka, iyada oo la soo sheegayo in ay joojiyeen isku-socodka garoonka iyo magaalada.

Garoonka diyaaradaha ayey afaafkiisa hore la wareegay ciidamadankaasi iyadoo bilo kahor Xukuumaddu ku biirisey ciidamada badda Puntland PMPF, waxayna ka cabanayaan mushahar la’aan.

Shalay ayey ahayd markii ay Baraha Bulshada askarta qaybtood ku baahiyeen muuqaallo ay kaga cabanayaan mushar la’aan muddo badan, taasi oo iyana ay weli ka cabanayaan shaqaalaha dowladda dib loo doortay ee aan weli isbeddelka la iman.

About The Author