Sawirro: Kusimaha madaxweynaha ahna madaxweye kuxigeenka Galmudug oo kormeeray wasaaradda Maaliyada Galmudug

10 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane H E Ali Dahir Eid ayaa Kormeer ku tagay Wasarada Maaliyada Dowlada Galmudug oo ka mid ah Wasaradaha ugu muhiimsan

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa Wasiirka Wasarada Maaliyada Galmudug Mudane Farhan Ali iyo Masuliyinta kale ee Wasarada ka dhagaystay Waxqabadka Wasarada , waxa u qorshaysan Sanadkaan iyo Caqabadaha haysta.

Madaxweynaha iyo Howlwadeenadi la socday waxay mid mid u kormeereen waaxaha Wasarada ee kala ah:

1- Waaxda Shaqaalaha (HR)

2- Waaxda Hantidhowrka Gudaha (Wasaaradda Maaliyadda)

3- Waaxda Canshuuraha iyo Dakhliga Guud

4- Waaxda Miisaaniyadda

5- Waaxda Maamulka Maaliyadda ee WM

6- Waaxda Dhaqaalaha (Macro-Fiscal Department)

7- Waaxda Maamulka Qasnadda Dhexe

Waaxda Iibka (Procurement)

8- Waaxda Maamulka Kaalmada dibedda (External Assistance)

Madaxweynaha waxaa u faray Wasiirka in la xoojiyo waaxda Asset Registration ka sidaas si la mid ah Wasaradaha kale waxa la faray in ay Wasarada Maaliyada ka diwaan galiyaan dhaman hantida Dowlada ee aan Diwaangashnayn Sida Ceelasha Biyaha,Gadiidka,Xarumaha Waxbarashada iyo Xarumaha Caafimaafka iyo wixii la mid ah

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug H E Ali Dahir Eid ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada uu booqday, isagoona ku amaanay shaqada adag ee ay bulshada ugu hayaan, wuxuuna kula dardaarmey in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda shaqo.

About The Author