Tirada Dhimashada weerarka xerada Gen Gordan oo korortay

10 Feb  2024 (Puntlandes.com) Tirada Dhimashada weerarka xerada Gen.Gordan ee Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa gaadhay labataneeyo, iyada oo dhaawacuna ku dhowyahay soddeneeyo.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la soo werinayaa in uu booqday cisbitaallada la geeyey dhaawacyada.

Kooxda AS ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo la sheegey in uu fuliyey askari kamid ah ciidamada la tababarayey, oo toos u toogtey sarkaalkii ugu sarreeyey Imaaraadka ku sugan dalka, ajaaniib kala duwan oo u badan UAE iyo saraakiil Soomaali ah.

About The Author