Muqdisho: Sarkaal isugu jira Ajaaniib Imaaraad ah & Soomaali oo lagu diley

10 Feb  2024 (Puntlandes.com) Ugu yaraan toban sarkaal oo isugu jira Ajaaniib Imaaraad ah iyo Soomaali ayaa lagu diley toogasho ka dhacday gudaha xerada Gen Gorod ee magaalada Muqdisho.

Xeradaas oo ay Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida, sida ay tilmaamayaan ilowareedyo kala duwan.

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Xerada Jen, Gordan ayaa sheegaysa in Saraakiisha Imaaraatka ee dhimatay ay yihiin 3 Sarkaal oo darajada u hooseysa Kabtan tahay.

1- Col, Maxamed Mubaarak oo ahaa Sarkaalkii u sareeyey Howlgalka Imaaraatka Carabta ee Koonfurta Soomaaliya/Muqdisho.

2- Sarkaalkii Imaaraatiga ahaa ee haysta Xerada Gen Gordan ayaa kamid noqday dadka dhintay.

3- Madaxii Qeybta Tababarka oo Imaaraati ah ayaa kamid noqday saraakiisha dhimatay.

4- Madaxii Ilaalada Carabta oo dhinaca kalena haystay ciidanka Ajnabiga ah una dhashay Afrika ayaa la dilay.

5- Madaxii Gaadiidka iyo Saadka oo Ajnabi u dhashay Afrika ayaa dhimashada kamid noqday.

6- iyo 9 Sarkaal oo Soomaali iyo Ajnabi ayaa iyana ladilay.

Urur gaar ah oo laga xulay ciidankii ay Imaaraatka tababareen ayaa masuuliyada xerada hayay, kaas oo uu kamid ahaa Askariga dilkan geystay goor dhaw.

About The Author