Akhriso Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo soo bandhigay wax ka bedelka Dastuurka oo ka kooban illaa afar cutub.

11 Feb  2024 (Puntlandes.com) Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shaaciyey wax ka bedelka Dastuurka oo ka kooban illaa afar cutub, iyadoo maalinta berri labada Aqal ee Baarlamaanka u madlan yihiin qeybinta iyo ka doodista Wax ka bedelka Dastuurka oo la qorsheynayo in labo todobaad ay socoto ugu dambeyn la ansixiyo.

Guddiga ayaa soo bandhigay cutubyada wax ka bedelka Dastuurka ee berri labada Aqal ka doodi doonaan afarta cutub ee uu ka kooban yahay wax ka bedeka Dastuurka.

Waxaase is weydiinta tahay wax ka bedelka Dastuurka haddii si isku duuduub loo meel mariyo sidee loo hirgeli doonaa, iyadoo Maamulka kaliya ee diidan uu yahay Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxdii hore dalka.

Nuqulka ugu muhiimsan ee wax laga beddeley ee Dastuurka Soomaaliya ee aan weli la meelmarin waxa ku xusan in dalku yeelanayo;

Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenka, madaxda Dowlad-goboleeyada loogu yeedhayo “Hoggaamiye” si lamid ah SSC-Khaatumo iyo in dadweynuhu dooranayaan laga bilaabo duqa degmada ilaa Madaxweynaha Qaranka.

About The Author