Dowladda Imaaraadka oo xaqiijiyay in sarkaal 4aad uu udhintay dhaawaca weerarkii xalay ee xerada Gordan

11 Feb  2024 (Puntlandes.com) Dowladda Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afraad uu maanta uga dhintay dhaawaca weerarkii xalay ee xerada Gordan ee tababarka ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa meydkooda la geeyey Abu Dhabi, waxaana lagu kala magacaabaa;

1- Col Mohammed Al Mansouri, Madaxii Imaaraatka ee Howlgalada Yemen iyo Soomaaliya.

‎2- Captan Mohammed Al Shamsi: Madaxii Saadka iyo Howlgalada deg deg ah.

3- Captan Khalifa Al Balushi Madaxii Sirdoonka ahaana Sarkaalka Tababarka u sareeya.

‎4- Captan Suleiman Al-Shehhi Madax kuxigeenkii Howlgalka Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca dalka Baxrayn lagu diley weerarkaas.

Shaqaalihii Ajaaniibta ee weerarkan kudhintay una dhashay, Afrika iyo Asia ayaa dalalkoodii loo qaaday.

About The Author