PUNSAA “waxay si adag u cambaaraynaysaa ku xadgudubka Xuquuqda muwaadiniinta Puntland & hakinta isu socodka dadweynaha & gaadiidkooda”

18 Feb  2024 (Puntlandes.com) Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) oo qoraal soo saartay ayaa si adag u cambaaraysay ku xadgudubka Xuquuqda muwaadiniinta reer Puntland iyo hakinta isu socodka dadweynaha iyo gaadiidkooda.

Isu socodka Gaadiidka ayaa 6 cisho waxa uu ku xaniban yahay Caasimadda Puntland ee Garowe halkaas oo madaxweyne Siciid Deni fadhi u ah, waxaana xanibay isu socodka Ciidamo Puntland oo ka cabanayaya Mushahaar la´aan, hoos ka daawo gaadiidlayda oo shalay saxaafadda la hadlay.

Hoos ka akhriso qoraalka PUNSAA:

Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA), waxay si adag u cambaaraynaysaa ku xadgudubka Xuquuqda muwaadiniinta reer Puntland iyo hakinta isu socodka dadweynaha iyo gaadiidkooda.

Waxaan marnaba la aqbali karin in Gaadiidkii dadweynaha u siday Baadka, Biyaha iyo Daawada dhowr beri ku xanniban yihiin Koontaroolka Bari ee magaalada Garowe.

Waxaa lagama maarmaan ah in isu socodka uu kusoo noqdo sidii hore loona kaco xal u helida caqabadaha sababay dhacdadan oo saamayn taban ku leh nolosha dadweynaha, dhaqaalaha iyo amniga.

Dowladda Puntland waxaa xil ka saaranyahay xal u helida dhacdadan iyadoo aysan bulshadu usii dulqaadan karin xanibaadda saaran badeecadihii u gudbi lahaa gobolada kala duwan ee gaadiidku sahayda u siday.

Wabillahi Towfiiq.

PUNSAA.

About The Author