Garowe: Rag hubeysan oo fal arxan darro ah oo kufsi ah ka geystey xeryaha barakacayaasha magaalada Garowe

18 Feb  2024 (Puntlandes.com) Rag hubeysan ayaa subaxnimadii hore saaka fal arxan darro ah oo kufsi ah ka geystey xeryaha barakacayaasha magaalada Garowe.

Rag ku lebbisan tuutaha ciidamada ayaa aroornimadii hore guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday gabadha yar oo 13 jir ah, ilaa haddana laamaha ammaanku kama hadlin dhacdadaan.

Gaadiidka oo jidgooyo loo dhigto, dhac, kufsi iyo dilalka ayaa ku soo badatay caasimadda Puntland ee Garowe tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

About The Author