Muuqaal-Sawirro: Muqdisho oo lagu daahfurtay wajiga 2aad ee Barnaamijka JRP oo laga fulin doono Puntland & Galmudug

21 Feb  2024 (Puntlandes.com) Waxaan magaalada Muqdisho uu ku daahfurtay Wasiirka Qorshaynta DFS Maxamed C/raxmaan Beenebeene wajiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Adkaysiga (Joint Resiliance Program).

Wajiga 2aad ayaa waxaa laga fulin doonaa afar degmo oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, iyadoo uu yahay dhaqaalaha lagu fulinayo 30 malyan oo doollar.

Afarta degmo ayaa waxay kala yihiin degmooyinka Gaalkacyo labada dhan ee Puntland iyo Galmudug, Galdogob iyo Dhuusamareeb.

Barnaamijkan ayaa waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hab-nololeedka bulshada, waxaana wejiga koobaad laga fuliyay Jubbaland, iyadoo  wajigan labaad laga fulin doonaa Puntland iyo Galmudug.

Waxaa dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dawladda Jarmalka waxaana fulinaya UNICEF iyo WFP.

About The Author