Hawada Soomaaliya oo la kulantay xiisad adag ee laxiririta maamulkeeda

24 Feb  2024 (Puntlandes.com) Hawada Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii ugu adkaa, taas oo la xiriritay maamulka hawada iyo cidda la xiriireysa diyaaradaha isticmaala hawada.

Arrintan ayaa sababtay in duulimaadyo caalamiya ay la kulmaan warbixino duulimaad oo aan rasmi ahayn oo ay heleen, sida ay qireen Muqdisho iyo Hargeysaba, taas oo kor u qaaday khatarta heerka badqabka hawada ee Soomaaliya.

Diyaaradda Itoobiya ee ka duushay Hargeysa, kuna wajahnayd Addis Ababa, kuna duuleysay ET375-nooceedu ahaa B737-760, ayaa laga leexiyey dhabihii ay ku duuleysay ee geynayay Addis Ababa,waxayna ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, sabab dheeraad ah ilaa hadda majirto.

Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya gaar ahaan qaybtaSomaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada.

About The Author