Muuqaal-sawirro: Farmaajo oo Muqdisho kulaabtay shaaciyeyna qorshihiisa

01 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey qorshaha uu u yimid Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in socdaalkiisa Muqdisho u daaran yahay wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo haatan doodiisu ka socoto labada Aqal ee Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helista xiisadda taagan ee dastuurka “Waxaa laga doonayaa muwaadin kasta Soomaaliyeed oo ugu horreeyo madaxweynaha federaalka Soomaaliya, baarlamaanka labadiisa gole, dowlad-goboleedyada madaxdooda iyo shacabka Soomaaliyeed inay iyagu laftigooda noqdaan xalka.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka dadaallada xal u raadinta xiisadda dastuurka ay tahay “in la gaarsiiyo wada ogol iyo ilaalinta wada-jirka Soomaaliya.”

“Waxaa kuligeen dan noogu wada jirtaa in la isku soo wada dhaweeyo dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxaan doonayaa intaan in ka faah-faahsan in aan sheego mustaqbalka waana idinla wadaagi doona hadduu Ilaahay yiraahdo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Farmaajo.

Farmaajo ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan uu Muqdisho kulamo kula qaato siyaasiyiinta ay isku aragtida yihiin oo ugu horreeyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiintii kale ee diidanaa wax ka beddelka dastuurka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Sidoo kale Farmaajo ayaa booqan doona Garowe isagoo kula kulmaya Siciid Deni oo ay xulufo noqdeen.

About The Author