Shirkada Ethiopia Airlines oo beenisay inay joojisay isticmaaalka Hawada Soomaaliya

01 Mars  2024 (Puntlandes.com) Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa shaaca ka qaaday in wararkii ugu dambeeyay ee Idaacadda BBC-da qaybteeda Af-Amxaariga iyo baraha bulshada ee ku saabsanaa xaaladda hawada Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa tilmaamtay in aanay joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana madaxda shirkadda Ethiopian Airlines aysan sheegin warka sheegaya in uusan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya, Sidaas darteedna ay Laanta Af-Amxaariga ee BBC-da ay la dalbadeen  inay saxdo warbixinta ay ka soo saartay arrintan.

Sidoo kale Shirkaddu ayaa caddeysay in aanay waxba ka jirin oo been abuur tahay warqada lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in loo diray IATA, isla markaana warqad nuucaas ah aanay waligeed u qorin IATA.

”Waxaan xaqiijinay in warqada lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in laga leeyahay Ethiopian Airlines ee loo soo diray IATA ay tahay mid been abuur ah oo Ethiopian Airlines aanay weligeed warqad noocaas ah u qorin IATA.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay itoobiya airlines.

About The Author