Kulankii labada Aqal ee ka dooddida wax ka bedeka Dastuurka oo kooram la’aan u baaqday

04 Mars  2024 (Puntlandes.com) Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee ka dooddida wax ka bedeka Dastuurka ayaa maanta kooram la’aan u baaqday, kadib markii xildhibaanada badankood ay soo xaadiri waayeen.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa maanta u balansanaa ka dooddida cutubka 3aad ee wax ka bedelka dastuurka ayaa maalmahaan ku guda-geli jiray ka doodista Dastuurka, iyadoo aan loo eegi jirin buuxsamida kooramka labada Aqal, balse Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka labaad C/llaahi Timacadde ayaa maanta ku dooday in aan dooda dastuurka la guda gali karin illaa laga helo kooram dhamaystiran oo Aqalka sare ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dadaaleysa dhameystirka wax ka bedeka dastuurka ka hor fasaxa Baarlamaanka ee 10-ka dambe Bisha Ramadan, balse waxay is hortaagyo kala duwan kala kulmeysaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaano oo aan ku qanacsanayn hannaanka loo marayo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo ay maqan tahay Puntland.

About The Author