Sawirro: Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug oo deeganka Garacad kulan kula yeeshay mas’uuliyiin kala duwan

04 Mars  2024 (Puntlandes.com) Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee gobolka Mudug Ismacil C/nuur Geesey ayaa deeganka Garacad ee degmada Jariiban kulan kula yeeshay mas’uuliyiin kala duwan, shirkaasi oo diirada lagu saaray sare uqaadida iyo soo xareynta dakhliga dawladda.

Kulankan ayaa xisaabiyahu uu layeeshay iskuduwaha d/hoose ee gobolka Mudug, Xoghayaha D/hoose ee degmada Jariiban iyo guddomiyaha deeganka garacad,

Geesey ayaa kubooriyey mas’uuliyiintan uu la kulmay in ladardargaliyo cashuuraha kala duwan ee dawlada Puntland.

Shirkaasi kadib mas’uuliyiintan ayaa kormeeray xaafisyada cashuuraha kale duwan ee Kastamada iyo cashuuraha birigga ee magaalada Garacad.

About The Author