Sawirro: Wasiir Cumar oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Bosaso

19 Mars  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xanaanada Xoolaha dawladda Puntland Cumar cabdisamad Yuusuf-Dhuux oo uu weheliyo Wasiir ku xigeen ka Wasaaradda Dr Cartan Axmed maxamed ayaa waxay Bosaso kulan kula qaateen Isuduwaha Gobolka Bari ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Agaasimaha Maxjaradda Bosaso, Guddiga Dhaqaatiirta Wasaaradda iyo Maamulka Maxjaradda Dowladda Puntland.

Waxaa uu Wasiirku ka dhagaystay Warbixinadda ku saabsan Xafiis yadooda iyo dhamaan xogta Wasaaradda ee Gobolka bari.

Waxaa lagu dheeraaday sidii loo xalin lahaa caqaabadaha nagu hareeraysan si dhab ahna loo darsi lahaa,Waxna looga qaban lahaa.

Wasiirka cusub ayaa waxaa ka go´an dardargalinta shaqooyinka Wasaaradda si ay u gaarno hiigsiga fog iyo midka dhowba, uguna adeegto shacabka reer Puntland.

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyey shaqada ay shacabka reer Puntland u hayaan, waxa uuna Kula dardaarmay inay sii labo jibaaraan shaqadda.

About The Author