Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray hay’adaha amniga, sida taliska ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta iyo xarunta Sirdoonka & Sabad sugidda ee (PISA)

20 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Hay’adaha Amniga, sida Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta , Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Dowladda Puntland ee (PISA).

Madaxweynaha ayaa Sarakaashii Ciidamada ka dhegaystay warbixin Amni iyo qorsheyaasha u yaalla, wuxuuna faray in lasii dardargeliyo adkeynta Amniga. Dowladda Puntland ayaa Arrinta Amniga iyo Dhismaha Ciidanka siinaysa muhiimad gaar ah, waxaana lasii amba qaadi doonnaa dhameystirka shaqadii 5-ta sano ee hore laga qabtay tababarka, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Dowladda Puntland.

About The Author