C/raxman C/shakur “Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo….”

20 Mars  2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu isku waydiinayaa wax ka bedelka dastuurka ma dhamaystir ba mise waa bedelaad?

Xildhidhaanka ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin Kooran Baarlamaan oo la helay marka laga reebo laba jeer oo bilowgii ah, sidoo kale wuxuu caddeeyey in 3 cutub laga saarayo dastuurka, 45 qodob iyo 97 faqradoodna wax ka bedel lagu sameeyey.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood.

Dhammaystir miyaa mise beddelaad?

Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo.

Ansixinta Dastuurka waxaa loo baahan yahay saddex dalool labo oo ah 220 Xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka isku raacaan. Maadaama aan la helaynin tiradaas, waxaa beddelkeeda lagu ansixinayaa farriin fiidiyow lagu soo duubay, ama qoraal lagu soo diray.

Xiiso ma laha ciyaar garsooraha iyo laacibka hal qof isku yihiin, sababtoo ah natiijadeeda ayaa la sii ogyahay, mase foga maalinka ay qoomamayn doonaan guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ballanqaadyada sugaya.

About The Author