Sawirro: Sheekh Shariif oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska

20 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo qoraal kooban uga hadlay kulan uu la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa ku sheegay inay isla qaateen in wax ka bedelka dastuurka loo wajaho si daahfuran lagana talo geliyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Hoos ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif:

Waxaan maanta kulan wada yeelanay Safiirka Inigriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis, Waxaan ka wada hadalnay Xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada, bixitaanka ciidanka ATMIS iyo Wax ka badalka Dastuurka soomaaliya.

Waxaan si qoto dheer ugu wada hadalnay Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo doodiisu muran badan uu ka taaganyahay qaabka loo wajahay.

Waxaan isla soo qaadnay in si daahfuran loo wajaho lagana talo galiyo qeybaha kala duwan ee bulshada si kaalin mug leh ugu yeeshaan dhameystirka dastuurka, si looga gudbo xaalada jahwareerka ah ee hadda taagan.

Ugu danbeyn, waxaan uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska dadaalka iyo taageerada ay marwalba la garab taaganyihiin dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

About The Author