Ergayga QM “Mustaqbalka Somalia ayaa miiska saaran. Dalka oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin”

31 Mars  2024 (Puntlandes.com) Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing oo maanta tagtay Garowe ayaa war qoraal ah oo goor dhaw lagu baahiyey Mareegta UNSOM, lagu sheegay in mustaqbalka dalku uu khatar weyn kujiro.

Ergayga ayaa sheegtay in mustaqbalka Soomaaliya uu khatar ku jiro, iyadoo ay fursadaha jiraa horumar sameyn karin, haddii aysan qeyb ahayn Puntlad dhammaan isku dayada siyaasadda dalka.

“Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka UN-ka.

Mr Laing ayaa uga mahadcelisay MW Puntland Siciid Deni, sida uu maamulkiisa diyaar ugu yahay in wada hadal looga gudbo xaaladda taagan iyo Isku imaatin guud oo siyaasadeed.

Ergayga ayaa sheegtay in ay taageerada UN iyo saaxiibada caalamiga ah ay Puntland la shaqeyn doonaan si dhaw, waxaana ay soo dhaweeyeen Beesha Caalamka, gaar ahaana Hay’addaha QM qorshaha horumarinta Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka:

31 mar2024

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujisay baahida wadahadal loo dhan yahay loo qabo intii ay ku guda jirtay booqashadii ay ku tagtey puntland

Garowe – Iyada oo weli ku guda jirta la-tacaamulkii joogtada ahaa ee ay la lahayd Dowlad-goboleedyada Xubnaha Ka ah Federaalka, ayaa mas’uulka sare ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya waxaa ay maanta booqatey Puntland si ay ula yeelato wadahadallo ku saabsan baahiyada horumarka iyo arrimaha bani’aadamnimada ee dowlad-goboleedka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

“Waxaan fursad u helnay in aan dood furan oo toos ah wada yeelanno. Waxaan Madaxweyne Deni ugu hambalyeeyay magacaabista golahiisa wasiirada ee cusub,” ayay tiri Ergeyga Gaarka Ah Ee Xoghayaha-Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Ergeyga Gaarka Ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo booqasheeda uu ku wehliyay Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni’aadamnimada ee Soomaaliya, George Conway, ayaa hadalkaasi ka sheegtay kulan ay saxaafadda wadajir ahaan ula yeesheen iyada iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deeni, oo ay la socdaan xubnaha golahiisa wasiirada iyo la-taliyeyaal.

Barnaamijka Horumarinta Puntland

Iyadoo ka hadleysay wadahadallada, mas’uulka QM waxay sheegtay in mowduuca koowaad uu ku saabsanaa barnaamijka horumarinta Puntland.

“Waxaan arkay qoraalka kooban ee ay dolwaddu kaga hadashey tiirar kala duwan, kuwaas oo aad u cad,” ayay tiri mas’uulka QM. 

Ms. Laing waxay u xaqiijisay in ay Qaramada Midoobay ka go’an tahay la shaqeynta iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Puntland.

“Waxaan madaxweynaha u xaqiijiyay in uu haysto taageerada iyo ballanqaadka buuxa ee bahda QM oo dhan,” ayay tiri Ms. Laing.

Waxay sheegtay in joogitaanka  Mr. Conway, oo hoggaamiya dadaallada QM ee arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada ee Soomaaliya in ay muujinayso ballanqaadkaasi.

Intii lagu guda jiray wadahadallada ku saabsan horumarinta, waxaa sidoo kale diirradda la saarey faa’iidada uu kalluumeysigu leeyahay, iyadoo la tixgelinayo in Puntland ay leedahay xeebta ugu dheer Soomaaliya.

“Haddii Puntland ay gaarto heer ay kaga soo bixi karto jaangooyada caalamiga ah, kalluumeysiga wuxuu noqon karaa fursad weyn oo ay wax ku dhoofin karto oo sidoo kale ah, il ay nafaqo iyo maciishado ka heli karaan dadka dalka ku nool,” ayay tiri Ms. Laing.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay inkastoo ay Puntland ka jiraan fursado badan oo horumarineed, haddana waxaa sidoo kale jira culeysyo badan oo ay tahay in laga gudbo. 

“Mid ka mid ah culeysyada aan ka wadahadalney waa cudurka daacuun-calooleedka ee dhowaan ka dillaacay Puntland, kaas oo ah mid aad halis u ah, waxaanna annaga, ka QM ahaan, kor u qaadeynaa taageeradeenna si aan dowladda uga caawinno in ay wax ka qabato dhibaatada cudurka daacuunka,” ayay tiri mas’uulkan QM.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa soo sheegtay kiisaska ugu badan oo tiro ahaan dhan 351 iyadoo ay jireen 23 dhimasho afartii toddobaad ee ugu dambeeyay, kor u kaca ayaa loo aaneynayaa helidda xaddidan ee biyo nadiif ah iyo banaan ku saxaroosho gaar ahaan goobaha barakacayaasha, iyo sidoo kale iska-caabbinta antibiyootiga caadiga ah.

Bahwadaagta QM – WHO, UNICEF iyo kutlada Caafimaadka iyo WASH (biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda), waxay si dhow ula shaqeynayaan Wasaaradda Caafimaadka iyo waaxaha kale ee dowladda si arrintan wax looga qabto.

Xiriirrada DFS iyo Puntland

Kulankoodii ka horreeyay kulanka ay saxaafadda wadajir ahaanta ula yeesheen, Ergeyga Gaarka Ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxweyne Deeni ayaa sidoo kale kaga wadahadley siyaabaha lagu yareyn karo xiisadaha siyaasadeed ee dhowaan dhacay ee sababta u ah wax-ka-beddelka socda ee lagu sameynayo Dastuurka, ee u dhaxeeya  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Iyadoo ka hadleysa codeynta baarlamaanka Federaalka iyo bayaankii ay ka soosaartey dowladda Puntland, ayay hoosta ka xariiqday walaacyada labada dhinac ee ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha muhiimka ah iyo sidoo kale hannaanka laf-ahaantiisa.  

“Waxaa aad ii farxad geliyay in aan madaxweynaha ka maqley in ay ka go’an tahay in uu isku dayayo in arrintan si un looga gudbo si loo xaqiijiyo in uu sii socdo wada-xaajoodka uu la yeelanayo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay oo dalka oo dhan u wada dhan yihiin si loo xaqiijiyo in marka dambe la helo dastuur heer federaal ah oo qeexaya isla-markaanna xaqiijinaya mid kastoo ka mid ah dowlad-goboleedyada in maamul-hoosaadkooda ay leeyihiin oo ay qaybtooda ka qaadan karaan,” ayay tiri Mas’uulka QM

Ms. Laing waxay Madaxweyne Deeni ugu mahadcelisay sida uu diyaar ugu yahay in xal loo helo ismari-waaga hadda taagan. 

“Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin,” ayay tiri Ms. Laing.

Ms. Laing ayaa sidoo kale u xaqiijisay in ay Qaramada Midoobay ka go’an tahay la shaqeynta iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Puntland.

“Annagana, ka QM ahaan, anigoo adeegsanaya xafiiskeyga,waxaan halkan u joognaa in arrintan si un looga gudbo, “ayay tiri mas’uulka QM.

Intii ay ku guda jirtay booqashadeeda, oo ay booqashadii afaraad oo ay ku timaado Puntland tan iyo markii ay xilka qabatey 2023, Ms. Laing ayaa sidoo kale la kulantey shaqaalaha QM ee ka shaqeeya Puntland si ay uga wadahadlaan hawlaha taageerada la xiriira horumarinta iyo bani’aadamnimada ee ay qabanayaan hay’adaha QM, maaliyadaha, iyo barnaamijyada.

Xigasho: unmissions.org

About The Author