Dagaal culus oo ka socda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

12  Apr 2024 (Puntlandes.com) Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan socdo isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dagaalkaan uu ka dhex qarxo ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo wali ka socda gudaha magaaladaaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

About The Author