DFS oo beenisay heshhis lasheegay inay wada Kenya oo laxiira xiisadda Itoobiya oo ka careysiisay Soomaalida

12  Apr 2024 (Puntlandes.com) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay war ay wakaadda wararka ee Reuters, kuwaas oo sheegayay inay Itoobiya la galeyso heshiis dhanka badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.” ayuu boggiisa X (ex-Twitter) kusoo qoray wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda DFS Cali Cumar.

Sidoo kale war lagu shaaciyey warbaahinta DFS ayaa lagu yiri ” Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

Reuters ayaa shalay qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Korir Singwe, oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

About The Author