C/raxman C/shakur oo soo bandhigay 4 qidob oo MD Xasan Sheekh ku shaqeeyo ooy Somalia ubaahnayn

16 Apr 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu ku soo bandhigay 4 qidob oo MD Xasan Sheekh ku shaqeeyo, kuwaas oo carqabad ku ah dawladnimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka:

1- Soomaalidu uma baahna hal ruux maskaxdiisa oo keli ah, sababtoo ah waxay caqabad ku tahay geeddi-socodka go’aan gaaris sax ah. Waxay meesha ka saaraysaa aragtiyada kala duwan, waxay ka indho saabaysaa qiimaynta saxda ah iyo waaqaca dhabta ah iyo in mudnaanta la siiyo halkii ku haboonaynd.

2- Soomaaliya uma baahna in ay awoodda xarun ka talis loo sameeyo, sababtoo ah waxay halis ku tahay heshiiska dalka isku haya, sida federaalka, awood qeybsiga, hannaanka wadar-oggolka ah ee loo dhan yahay iyo doorashada afartii sano mar ah. Xarun dhexe ka talintu waxay keenaysaa xasillooni-darro siyaasadeed oo dhantaalaysa isku dheelitirka awoodda beelaha, waxay xoojinaysaa tartanka taban ee awoodda iyo khayraadka, waxayna kala fogaynaysaa dawladda dhexe iyo gobollada.

3-Soomaaliya uma baahna in xasarad qabiil lagu kala fogeeyo, maadaama siyaasaddeedu ay weli u nugushahay qabiilka oo dhalin karta kalsooni-darro iyo is aaminaad la’aan. Haddii ay qabiillada qaarkood dareemaan in laga sadbursaday awood qaybsiga, kheyraadka iyo dakhliga, waxay fursad u abuuraysaa siyaasiga sida gurracan qabiilka ku abaabula, kuna andacooda in uu raadinayo awood iyo mudnaanta beesha. Siyaasadda haybta ku dhisan waxay dhaawacaysaa wadajir iyo midnimada dalka, waxayna naga weecinaysaa qadiyadaha lafdhabarka u ah dawlad-dhisidda iyo geeddi-socodka nabadda.

4- Soomaalidu uma baahna musuq-maasuq, maadaama uu asal ahaan wiiqayo dadaallada nabadda iyo dowlad-dhiska. Musuq-maasuqa iyo hab-dhaqanka boobka ah ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta dowladdu waxay meesha ka saarayaan sharciyada hay’adaha dowladda, waxayna wiiqaysaa awoodda dawladda ee ah in ay hesho taageerada shacabka ee ka dhanka ah kooxaha aragagexisada ah. Ma aha in hay’adaha dawlada laga dhigto aalad fududeysa musuqmaasuqa, ilaalisa danaha siyaasiinta awooda haysta, ee waa in ay noqdaan kuwa shacabka si caddaalad, sinnaan iyo hufnaan leh ugu adeega.

About The Author