Madaxweyne Xasan Sheekh oo martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
![](http://www.puntlandes.com/wp-content/uploads/2024/04/1a1c11a2a-1024x683.jpg)
16 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatasha Qaran NCC oo la qorsheynayo in la qabto 20-21 April.
Shirkan ayaa Madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo dhowaan bayaan ka soo baxay Puntland kala laabatay dowladda Federaalka aqoonsiga, kuna dhawaaqday in Maamul ka madax bannaan dowladda Federaalka.
![](http://www.puntlandes.com/wp-content/uploads/2024/04/1a1f9-734x1024.jpg)