Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha qaraxyadii xalay ka dhacay

28 Apr 2024 (Puntlandes.com) Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo kala duwan oo xalay laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Waaberi, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Khasaaraha ka dhashay weeraradan ayaa la soo sheegayaa inuu kordhay, waxaana waxyeelo u badan dhaawac ay soo gaareen dad shacab ah oo carruur u badan.

Boodheere 4 carruur ah ayaa ku dhaawacmay hal goob, kadib markii uu ka dhacay hoobiye, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Carruurta dhaawacantay oo la geeyey mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa lagu daawaynayaa.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka ku saabsan in wixii xalay dhacay ay ahaayeen dheemish, sida lagu baahiyay baraha bulshada.

“Wax musiibo ah ayaa soo dhacay 4 canug ayaa wax ku gaartay, dadka qaar waxa ay leeyihiin dheemish weeye, laakiin dheemish waxna ma dhaawaco, waxna ma dilo” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Carruurta marka ay dhaawacmaayeen waxa ay ku ciyaarayeen bannaanka hal mar ayaana ka war helnay jugta, waana wax soo dhacay” .

Qarax labaad ayaa isna xalay ka dhacay ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada ammaanka ayaa ka warhelay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baar, balse inta uusan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa waxaa wajahay khal-khal wayn oo waxaa jirta habacsanaan.

About The Author