Madaxweyne Biixi oo amray in la joojiyo dhismo ay waday dawladda hoose ee Hargeysa

28 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo dhismaha xarunta degmada 26 june oo dawladda hoose ee Hargeysa ka dhisaysay suuqa Gobonimo.

Go’aanka madaxweynaha oo uu ku dhawaaaqay wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Mustafe Godane wuxuuna yiri “Madaxweyne Muuse Biixi waxuu amar ku bixiyey  in suuqa Gobonimo sidiisii hore ahaado oo aan waxba laga dhisin …”

Madxaweyne Biixi ayaa u muuqda in uu la saftay garabka xildhibaanada diidan in laga dhiso xarunta degmadda goobtaasi iyagoo ku doodayo in dad danyar ah ku ganacsadaan.


Maayir magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge oo iminka Hargeysa ka maqan ayaan la ogayn tallaabada uu qaadi doono.

About The Author