Sawirro: Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya

28 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda laisaga Xog-waraystay Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Atmis.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

About The Author