Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oosi habsami ah u wada Dawaynta Xoolaha

30 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dawladda Puntland ayaa waxaa si habsami leh uga wadaa Dhamaan Goboladda iyo degmooyinka Puntland Xoolo Dawayn, iyadoo kooxo u kala baxeen degmooyinka Puntland.

Wasaaradda oo Dawaynta iyo Daryeelka Xoolaha u wada si dardar leh  ayaa waxaa si habsami leh uga faaiidaysanaya dhamaan Bulshadda Xoolo dhaqatadda ah.

Tan iyo markuu xilka la wareegay wasiirka Wasaaradda Xannaanada Cumar cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa ka shaqeeyey hormarinta xoolaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Degmooyinka ilaa iminka ay Wasaaraddu ka fulisay ama ka wado ayaa waxay kala yihiin Buuhoodle, Jariiban, Ceelbuh, Burtinle, Badhan, Rako, Iskushuban, Dhahar iyo Carmo.

About The Author