Sawirro:  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya

07 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Cumar cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya Étienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

kulanka oo uu joobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr Axmed Cartan ayaa waxaa looga hadlay Mashaariicda Hay’adda FAO ay la waddo Wasaaradda, kuwa Qorshaysan iyo sidii ay ugu Shaqayn lahayd Hay´addu Qorshaha Wasaaradda iyo Siyaasadda Guud ee Puntland.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday sida ay uga go,antahay in Xoolaha iyo xoolo dhaqatadu helaan Waxyaabaha muhiimka u ah sida Caafimaadka, Daaqa iyo hormarinta Goobaha Adeegyadda lagu bixiyo sida Beeraha calafka soo saara iyo Shaybaaradda.

About The Author