Sawirro: Taliska PMPF oo qabtay Hubsharcidaro ah

18 May 2024 (Puntlandes.com) War ka soo baxay Taliska ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa lagu sheegay howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen Hub sharcidaro ah, gaadiidkii wadey iyo 4 dambiile oo watey, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah kusoo gelinaayey magaalada Bosaso.

Hubkan sharcidarada ah oo isugu jirey noocyada kala duwan ee hubka ayay ciidamadu dhammaantood gacanta ku dhigeen, waxaana uu hawlgalku kusoo dhammaaday guul,sida lagu sheegay warka ciidamada PMPF Taliskooda Bosaso ka soo baxay .

About The Author