Sawirro:  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Cumar oo Kulan la qaatay madax kasocotay Hay´adda FAO kana wada…..

08 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa Kulan la qaatay madax kasocotay Hay´adda FAO oo uu hogaaminayey Cabdi kunow Livestock Sector Coodinator.

Kulanka ayaa waxaa laga wada-hadlay sidii loo hormarin lahaa Caafimaadka xoolaha iyadoo la iska kaashanayo dhamaan adeegyadda ay u baahan yihiin Xoolaha iyo Xoolo dhaqatadda.

Wasiir Cumar ayaa ku dheeraaday in Wasaaradda ay ka go´an tahay inay qayb libaax leh ka qaadato sidii Xoolaha loo gaarsiin lahaa adeegyadda ay u baahan yihiin sida Daawada calaf iyo maaraynta Daaqa.

Ugu danbayn Waxaa la isla qaatay in la fududeeyo dhamaan mashaariicda ku Wajahan xoolaha,si loo gaaro halka la hiigsanayo.

About The Author