DFS oo ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM in la baabi´iyo Xaafiiska UNSOM

08 May 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM codsiga ah in la baabi´iyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM oo ah kan inta badan ay QM ka warsadaan xaalka Soomaaliya.

UNSOM, waxaa madax u ah Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsanaada Soomaaliya, kaas oo inta badan warbixinihiisa lagu dhiso go’aanada UN kasoo baxa, waxaana dalabka DFS ah ee ah in October sannadkaan aan la dhaafin ay ka dhigan tahay, dhiiranaan xoog leh.

Haddii golaha Ammaanka u codeeyaan, in shaqada UNSOM la joojiyo, waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya laga saaray chapter 7 oo ahaa in loola dhaqmo sidii dal aan madax banaaneyn, iskuna filneyn.

About The Author