Sawirro: Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu Caano-shubay

13 May 2024 (Puntlandes.com) Deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacday munaasabad lagu Caano-shubay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo noqonaya Ugaaska Beesha Xawaadle.

Munaasabadda ayaa waxaa isugu tegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle.

Sidoo kale xafladda Caano-shubka Ugaaska Yuusuf waxaa ka qeyb-gelay duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, deegaanka ay maanta xafladaasi ka dhacday wuxuu ka mid yahay dhulkii baaxada lahaa ee dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta.

About The Author