Akhriso: Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo laashay heshiiskii xisbiyada KAAH & Mustqbal ee degmooyinka Bursaalax iyo Xumabays

13 May 2024 (Puntlandes.com) Xeer wasiir oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland uuna ku saxiixan yahay wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) ayaa lagu laashay heshiiskii xisbiyada KAAH & Mustqbal ee dhismaha maamulka degmooyinka Bursaalax iyo Xumabays ee gobolada Mudug iyo Karkaar.

Qoraalka ayaa lagy faray Guddoomiyaasha Gobolada Mudug iyo Karkaar in ay u diyaar garoobaan Doorasha Degmooyinka Bursaalax iyo Xumbays, kuwaas oo Wasaaraddu dhawaan soo mudayn doonto xiliga la qabanayo Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa.

About The Author