Sawirro: Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Puntland oo booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle

15 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland Cabdillaahi Bile Nuur iyo Agaasimaaha guud ee Wasaaarada Maax Gabobe wafti balaaran uu hogaaminyey ayaa salaan iyo booqasho hab-maamuuskeedu sareeyo ugu tageen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Gaalkacyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa degmada Gaalkacyo iyo guud ahaanba gobolka Mudug, waxaana uu xusay Islaanka in ka Wasaarad ahaan ay kala shaqeyn doonan Horumaarinta Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Ugu danbayn, Wasiirka iyo waftigiisa ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Gaalkacyo soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen.

About The Author