Sawirro: shirka Wasiirkaa Xannaanada Xoolaha & Daaqa Puntland oo shir la qaatay Haya’dda WFP

15 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland mudane  Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa xarunta wasaaradda Kulan kula qaatay Haya’dda WFP.

Kulankaas waxaa looga hadlay Mashaariicda ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo WFP ee socda iyo kuwa Qorshaysan si loogu saleeyo baahidda Bulshadda iyo Siyaasadda Wasaradda u degan ee dhanka Xoolaha iyo Daaqa.

Wasiirka ayaa la wadaagay Qorshaha uga dagan Calafka xoolaha, Xermaynta deegaamadda si loo gaaro Qorshaha daaqa xadidan si loogu baxsado xiliga abaaruhu yimaadaan.

Sidoo kale Muhiimadda ay leedahay in Xoolo dhaqataddu ay helaan calafka xoolaha oo Wadanka gudihiisa kasoo baxa si looga maarmo calafka Wadanka Dibaddiisa ka yimaadda.

Ugu danbayn waxa la isla qaatay in laga shaqeeyo wax kasta oo hormarin kara xoolaha iyo Xoolo dhaqatadda iyo in lagu saleeyo dhamaan mashaariicda Baahidda jirta iyo siday u kala muhiimsan yihiin.

About The Author