Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay deeq Mashiino Caafimaad oo Casri ah & Daawooyin muhiim ah

15 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan waaxyaha Caafimaadka iyo Saadka oo Wakiil Ka ah Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay deeq Mashiino Caafimaad oo Casri ah iyo Daawooyin muhiim ah.

Ugu horayn Masuuliyiinta ka socdey Ciidamada PMPF ayaa si faahfaahsan ugu Warbixiyey Deeqdan, iyagoo xusay in Agabkan caafimaad qayb ka yihiin, taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda Imaaraadka Carabtu shacabka Soomaaliyeed, gaaar ahaan, kuwa Puntland ula heelan yihiin markasta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ku hadlaayey magaca Dowladda Puntland iyo Kan Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhankiisa Dowladda Immaaraadka uga mahadceliyey garashada toolmoon ee dowladda Imaaraadku ula heelan yihiin markasta shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland, waxa uu xusay in Agabyada Caafimaadku yihiin waxa ugu wanaagsan ee la-iska-taageero.

Agabkan Caafimaad ee Dowladda Imaaraadku ugu deeqday, Dowladda Puntland ma aha kii ugu horeeyey ee ay soo gaarsiiyeen, waxa ay hore gacan uga geysteen tayaynta iyo dhismayaasha Cisbitaallada Waaweyn ee Puntland qaarkood, iyagoona sidoo kale qayb-weyn ka qaata horumarinta arrimaha bulshada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

About The Author