Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo xukuntay Sayid-Cali

15 May 2024 (Puntlandes.com) Maxkamadda Rafcaanka ee G/Banaadir ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa Muqdisho ku gubay.

Maxkamadda ayaa 3 fadhi oo hore la horkeenay eedeysanaha fadhiyadaas oo ku dhageysatay kiiska eedeysanaha.

Sayid-Cali ayaa rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda G/Banaadir,Walina ma cadda nooca xukun ee maxkamadda Rafcaanku ay maanta ku ridi doonto.

Haddaba Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

About The Author