Sawirro: Xubin Sare oo ka tirsanaa Argagixisada Daacish oo isu soo dhiibay Ciidanka Puntland

03 Feb 2025 (Puntlandes.com) Cabdiraxmaan Shirwac Loohaar oo katirsanaa argagixisada Daacish ayaa isku dhiibay Dowladda Puntland, xilli firxad uu ka dhex jiro argagixisada oo burbur xooggan loogu geystay howlgalka ciribtirka argagixisada ee ay wadaan ciidamada Difaaca Puntland.
Laahoor ayaa hoggaan u ahaa shabakad katirsan argagixisada Daacish, oo ciidamada Amniga Puntland ay horey gacanta ugu dhigeen. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DPL ayaa Laahoor ku riday xukun Dil ah sanadkii 2022.

