Madaxweyne Cirro oo Komishanka Doorashooyinka Somaliland u xaqiijiyey in ay Doorashooyinku ku dhici doonaan Waqtigii loo Muddeeyey

10 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Somaliland (KDQ).

Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha.

Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Somaliland (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay.

Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Somaliland. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xiriirta dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo.

Sidoo kale, Komishanku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.

Madaxweynaha ayaa KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13.11.2024. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul.

Madaxweynuhu wuxuu Komishanka u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah ee ka soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda Somaliland ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2026-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu KDQ u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2026-ka.

About The Author