Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu haggaminayo oo shir kaga qaybgalaya Dubai

10 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu haggaminayo ayaa galabta diyaarad khaas ķaga duulay Madaarka Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland ayaa si rasmi ah loogu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha Dawladaha Adduunka sanadka 2025 oo 11-ka ilaa 13-ka bishan February ka dhici doona Magaalada Dubai.
Madaxweynaha Somaliland ayaa shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa.