Sawirro: Ciidamada Puntland oo Argagixisada Daacish ka qabsaday Daray-Madoobe

22 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta gaaray aagag cusub oo ay ku sugnaayeen argagixisada Daacish, kuwaas isaga cararay saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii khasaare baaxad leh loogu geystay duqeymo ay wadajir u sameeyeen ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland iyo saaxiibada Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta oo taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Goobaha ay ciidamadu ka qabsadeen argagixisada Daacish ayaa waxaa kamid ah Taliskii argagixisada ee Daray-Madoobe, kaas oo ahaa mid muhiimad weyn u lahaa argagixisada iyo Difaac adag oo ay horrey u diyaarsadeen, balse ay isaga carareen kaddib markii ay u ruqaansadeen ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland.
Dhanka kale, Duqeymo culus ayaa maanta ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad, kuwaas oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland, waxaana khasaare baaxad leh oo loogu geystay argagixisada.




