Maxaa looga fadhiyaa madaxweyne Gaas in uu kusoo qaato khudbada sanad guurada?

Marka la eego am dib loo jalleeco khudbadihii Madaxweyne Gaas ee uu ka jeedin jirirey xafladaha waaweyn sida sanad guuradii tan ka horreysey, furitaannadii Baarlmaanka iyo u dabbaaldegii sanadguuradii ka soo wareegtey markii isaga la doortay, waxay wada ahaayeen kuwo isku mid ah. Khudbadahaas oo uun ku salaysnaa isfaanin iyo wax baan qabtay oo keliya. Issagoo inta badan taxa, dhismayaal garoomo diyaaradeed,  (oo la wada ogyahay in shaqadoodu issaga ka horreysey) oo hadii uu sheegayo looga baahnaa “short briefing” oo kaliya khuseeya meesha  ay iyagu wax marinayaan. Wuxuu kale oo ka hadlaa “reforms” ama dibu habayn uu ku wado shaqaalaha, dhaqaalaha iyo caddaaladda. Iigama Baahna sheegida waxa uga qabsoomay arrintaas oo ishaa macalinee, aan diiradda saarro waxa looga baahan yahay in uu kusoo qaato oo dadka u faah faahiyo.

Sida badan waxaa khudbadda madaxweynaha ka maqan nuxurka iyo go,aanka ay xukuumadiisu ka qaadatay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ee murugsan. Iyadoo la ogsoon yahay in ay jireen arrimo waaweyn oo siyaasadeed oo dhacay ama dhacayey xiligaas uu khudbeynayey. Issagoo og in  dadku ka dhawrayaan in uu sheego ficilka kaga aadan arrinkaas, buu wuxuu si humaag, iyo xoogaa qosol dahsoon u dulmaraa, iyadoo ay ka muuqato daacad la aanta erayga uu sheegayo, taas oo inta badan ah is daadraacin aan ku salaysnayn xaqiiqda uu issagu aaminsan yahay.

Sida caadada u ahayd, kamuu hadlo “road map”:ka ama goorta ay bilaabanayso iyo goorta ay dhamaanayso dimuqoraadiyeynta Puntland.

Waxaan ula jeedaa sharraxaada mashruuc waqtiyeysan oo ku saabsan arrintaas. Sharraxidda sida looga gudbayo caqabadihii ay isaga  iyo kooxdiisii madaxtinimada rabtey, tixi jireen xilligii isku daygii hore. Caqabadahaas oo ahaa kala xadaynta degmooyinka, soo celinta gobolada maqan iyo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Sideeda bannaanna hadaynu Soomaali nahay waxaan orodnaa marka la gaaro dhamaatka xilli waqtiyeedka. Waxaa tusaale inoogu filan Soomaaliland oo hadda 5 sano kadib la isku haysto inta uu noqonayo xilliga loo kordhinayo si doorasho loo qabto iyo waliba tan Soomaaliyadda koonfureed oo hadda la iclaamiyey inaysan suurtoobi karayn in doorasho la qabto.

Waxaa taas ugu wacan in shaqadu aysan bilaaban xilligii ku haboonaa. Marka la isweydiiyana la yiraahda kalmadda ah “Adeer waad degdegeysaa”  hadaanba dhalanaye goormaan wax bilawnaa iyo erayo la mid ah. Waliba waxaa xusid mudan in uu xilligii uu madaxweynuhu sheegay in uu ku bilaabayo uu mar hore dhacay.  Waataan la wada soconey in uu balan qaaday xilligii tartanka in uu ku bilaabayo sanadka u horreeya, haddana lagu gudo jiro sanadkii labaad.  Ogow waxa keliya ee 1 iyo1½ Kaas la qabtay waa wax ay ugu yeereen samaynta shuruucdii iyo xeerkii doorashada iyo ka, ansixinta Baarlamaanka!!!. Hadaynu is indho tirayno, waxaynu siin karnaa u garaabid ah in ay intaas haday sameeyeen ay shaqo culus qabteen. Laakiin hadaynu si “Impartial” ama dhexdhexaadnimo ah  arrintaas u eegnu waxaa muuqanaysa in shuruucda doorashada iyo xeerarkiisuba ay samaysnaayeen oo Baarlamaankuna hore u ansixiyey (Xilligii isku daygii hore) waxa kaliya oo ay sameeyeenna ay tahay in ay inta akhriyeen meelaha qaar ka bedeleen, eray tusaale ahaan  ku dhamaanayey xarafka   B  ay u bedeleen D. Taasi dib ma uridi kartaa waqtigii ku talo galka??

Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu kusooqaato Khudbaddiisa sanadka, faahfaahin ku saabsan arrintaas. Faahfaahintaas oo ka ah dhab iyo in uu ku talo jiro in ay sidaas wax u dhacaan. Ee aysan noqon khudbad ku wajahan is difaac iyo halagu yiraahdo waxbuu qabanayaa.

Waxaa kale oo ay tahay in uu diiradda ku saaro, usoo bandhigidda dadka reer Puntland waxa xiga go,aankii taariikhiga ahaa ee ay 19/7/2015 ka, oo ay ka qaateen, waxa ay xukuumadda Xamar ka waddo Soomaaliya. Go,aankaas oo farriinta uu xambaarsanaa ay ahayd in Puntland iyo xukuumadda Xamar kala xiriir furteen oo aynaan hadda ka dib wax wadashaqayn ahi jiridoonin, marka la fiiriyo ku baaqidda dawladda Puntlandee  qabasho shirweyne Qaran.

Waxaa looga baahan yahay Madaxweynaha faahfaahinta sida laysu waafajinayo shirka qaran ee uu ku baaqay iyo g,aanka laga sugayo Baarlamaanka Puntland Oktober ee kusaabsan qodabka 4 ee dastuurka Puntland, illeen waa tuu gudoomiyaha Baarlamaanku lahaa waxay tegeysaa arrini qodobkaase.  Waxa ay xukuumaddiisu ka yeelayso haddii la ajiibi waayo shirweynahaas Qaran iyo haddii beesha caalamka oo u muuqata in ay taageersanyihiin waxa ka socda Xamar ay ku gacan sayrto soo jeedinta Puntland ee ah in ay iyyagu diyaar u yihiin qabashada “Road map” kale oo ku saabsan doorashada 2016 ee Soomaaliya, taas oo barbarsocota, kan ay waddo Dawladda Xamar?!!!. Ma “role” kii  amase doorkii maamul ee Soomaaliya iyo caasumadii Soomaaliya bay Xukuumadda Puntland la soo wareegtey?¿!!  hadayse dhiciweydo isku daygaas maxay falin Puntland??.

Madaxweynaha waxaasoo dhan baa laga sugayaaye bal aynu dhawro wuxuu la soo shir tago.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author