Puntland “Dawladda Puntland marna ma aqoonsana sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn”

18 March 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa qoraal kasoo baxay wasaaradda Arimaha Gudaha waxay ku sheegtay inaysan marna ma aqoonsan doonin sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn.
Puntland ayaa qoraalka ku tiri “Dawladda Puntland marna ma aqoonsana sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn”
“Dawladda Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID).”
