Sawirro: Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo si buuxda uga mamnuucay ciidankii hore loo oran jiray PSF inay dhaqdhaqaaq sameeyaan

18 May 2025 (Puntlandes.com) Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheekh Cali ayaa waxay shir deg deg ah ka yeesheen Ciidamadii hore loo oran jiray “PSF” oo xalay sifo sharci daro ah ku soo galay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Guddiga ayaa waxay soo saareen go´aan ka kooban 3 qodob kaas oo ay ka mid tahay in si buuxda looga mamnuucay ciidankaas inay dhaqdhaqaaq sameeyaan.
Ciidankaan oo ka amar qaata Taliyaha Ciidan Booliska maamulka Xasan Sheekh oo ku hawlan inuu burburin iyo fawdo ka abuuro Puntland, ayaa dhaqdhaqaaqoodii xalay waxaa laga soo abaabulay Muqdisho.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay HGuddiga:
Waxaa maanta ka qabsoomay xafiiska maamulka gobolka shir degdeg ah oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali, kaas oo ay ka soo qayb galeen xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray fal amni darro ah oo ay xalay magaalada Galkacyo ay ka sameeyeen ciidamo aan ka tirsanayn kuwa sharciga ah ee Puntland, Waxaa shirka lagaga hadlay qodobo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga gobolka, kuwaas oo kala ah:
1: In falkii xalay ka dhacay magaalada uu ahaa fal sharci darro ah oo aan la aqbali doonin,
2: In si buuxda loo mamnuucay dhaqdhaqaaq kasta oo ciidamo sharci-darro ah ay ka sameeyaan gobolka,
3: In ciidamada ammaanka la faray inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga magaalada iyo guud ahaan gobolka.
Intii uu shirka socday, waxaa sidoo kale la adkeeyay mas’uuliyadda Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee sugidda amniga guud, iyadoo la farayo shacabka iyo hay’adaha amniga in ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo xasilloonida iyo kala dambeynta gobolka.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo go’aan midaysan oo ku aaddan ilaalinta amniga gobolka, iyo in la dardargeliyo howlaha amniga iyadoo lala dagaallamo cid kasta oo caqabad ku noqota nabadda iyo amniga.
– DHAMMAAD –











