Puntland oo dishay madaxii Arimaha Dibadda ee Argagisada Daacish

19 May 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Puntland ayaa howlgallo qorsheysan ku dilay Axmed Muuse Siciid Beeldaaje, oo ahaa mas’uulka ugu sarreeya ee Argagisada Daacish u qaabilsanaa xiriirka dibadda.

Ninkaan oo caan ku ahaa in uu si wanaagsan u yaqaan luuqado kala duwan, ayaa kusoo barbaaray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaasoo uu ka helay xirfado u suurtagaliyay in uu kooxda ka noqdo laf-dhabarta xiriirka caalamiga ah.

Axmed wuxuu kasoo jeeday gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Toga-jeceel, Doorkiisa waxa uu Madaxa Xiriirka arrimada Dibada taas oo uu ku kasbaday aqoontiisa luuqadaha, khibradiisa diblomaasiyadeed, iyo xiriirada uu la lahaa shabakado dibadeed.

Dilkaan ayaa ah mid dhirbaaxo weyn ku ah Argagisada Daacish ee ku sugan Buuraha Calmiskaad.Taasi waxaa ay muujinaysaa sida ay ciidamada Difaaca Puntland uga go’an tahay in ay beegsadaan hogaamiyeyaasha muhiimka ah ee kooxaha Argagisada ah, iyadoo la burburinayo nidaamkooda gudaha iyo xiriirkooda dibadda.

Beegsiga iyo dilka Axmed Muuse Siciid Beeldaaje waa talaabo muhiim ah oo muujinaysa guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxa uu tusaale u yahay sida qorshayaasha Ciidamada Puntland ay u horseedayaan in laga takhaluso shakhsiyaadka khatarta ku ah xasilloonida Puntland iyo Tan Soomaaliyeed.

About The Author