Muuqaal: Guddoomiyaha Gobolka Mudug “Anaga Reer Mudug na laguma yaqaan horgalnimo dhaqanna uma lihin”

21 May 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa si adag uga hadlay xaaladaha amniga gobolka, isagoo ka falceliyey arrinta la xiriirta qabashada Sayloor.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa yiri “Anaga Reer Mudug nalaguma yaqaan horgalnimo dhaqanna uma lihin”
Guddoomiyuhu wuxuu si cad u sheegay in aanay suuragal ahayn in lala shaqeeyo Dowladda Federaalka haddiiba ay jiraan mas’uuliyiin daba socda shakhsiyaadkii argagixisada ahaa ee gobolka Mudug dhibaatada ka geystay wuxuuna yiri:
“Wada shaqayn nagama dhaxayn karto mar haddii aad daba socotaan kuwii argagixisada ahaa ee dadka laayey”
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in taliyaha guud ee booliska Soomaaliya ninka ku magacaaban uu carqaladayn ku sameeyay qorshihii lagu wareejin lahaa Sayloor si loo keeno Puntland, taas oo keentay in xilka qaadis lagu sameeyo taliyihii Qaybta booliska gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug.
Maamulka gobolka Mudug waxaa mar walba ka go’an difaaca nabadda, midnimada bulshada, iyo la dagaalanka wax kasta oo lid ku ah amniga iyo wadajirka shacabka gobolka.