Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo kormeer & u kuurgalid ku sameeyey habsami u socodka shaqo ee maxjaradda Bosaso ee lagu diyaarinayo Xoolaha la Dhoofinayo

25 May 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dpl Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa kormeer iyo u kuurgalid ku sameeyey habsami u socodka shaqo ee maxjaradda Wadani iyo Aljaabiri ee magaaladda Bosaso oo lagu diyaarinayo Xoolaha ka Dhoofaya Dekadda Magaaladda Bosaso.

Wasiirka ayaa ku amaanay Maxjaradda shaqadda baaxadda leh ee ay Dalka u hayaan iyo sida ay Caafimaadka Xoolaha uga taxadarayaan.

Kormeerka wasiirka ayaa dabo socday kormeero hore oo uu ku sameeyey Habsami u socodka Maxjaradda iyo sida loo hirgaliyey go,aamaddii iyo talooyinkii horey la iskula meel dhigay.

About The Author