Muuqaal-Sawirro: Wasiirka xannaanada xoolaha Puntland oo booqday dekadda Bosaso oo ay ka dhoofayaan xoolo dhan 80 kun oo Neef

24 May 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL mudane Cumar Cabdisamad Yusuf ayaa booqday Dekadda magaaladda Bosaso oo ay ka dhoofayaan xoolo gaaraya 80 kun oo neef kuwaas u kala baxay wadamadda Sucuudiga,cumaan iyo Yaman.
Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqadda baaxadda leh ee ay hayaan dhaqaatiirta iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ee ku sugan Bosaso.















