Hirshabeelle oo xiriirka u jartay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee DFS, iyadoo ku eedeeysey…..

25 May 2025 (Puntlandes.com) Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xiriirka u jartay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee DFS, iyadoo ku eedeeysey musuqmaasuq xargaaha goostay, ka dib markii ay hay’addu shalay 4 kartoon gaysey degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, sida lagu sheegey warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle.
Hay’adda ayaa Masaajidka Cali Gaduud iyo degmada Aadan Yabaal horay u gaysay 50 baabuurta Xamuulka oo Raashino kala duwan ka buuxaan mudooyin kala duwa, halka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ay gaysat 4 kartoon oo kaliya.
